U bood dhigaalka

Akhriso Liiska Siyaasiyiin Iyo Mas’uuliyiin Caan Ah Oo Xildhibaan Ka Noqday Koofur Galbeed

Sheeko:Dalka

Waxaa Isniintii Baydhabo lagu soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose, 69 Xildhibaan oo laga sugayey koonfur galbeed  ayaa halkaas lagu doortay.

37-bo Xildhibaan oo ka tirsan 69 Xildhibaan ee lagu doortay Koonfur Galbeed waa mas’uuliyiin ka tirsan federaalka iyo madax ku jirta maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada la  doortay waxaa ku jira labo qof oo horay u soo noqday madaxa baarlamaanka sida Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Sheekh Aden Maxamed Nuur, waxaa kaloo ku jira wasiirro caan ah sida: Cabdulahi Sheekh Ismaaciil, Saalim Caliyow Ibrow, Cabdiraxmaan Aden Ibbi, Maxamed Mursal Maxamud, Cabdi Cabdiraxmaan Muudey, Xuseen Maxamud Sheekh.

Dhinaca Xildhibaannada soo noqday mar kale waxaa ka mid ah Jawaari iyo Madoobe, waxaa kaloo ku jira Maxamed Cumar Dhalxa, Cabdiqadir Sharif Xasan, Axmed Moyow Abdule-Ruush-ka, maxamed Nuuraani Bakar iyo rag kale.

Hadaba halkan ka akhriso siyaasiyiinta magaca leh ee ku soo baxay Xildhibaannimada Koonfur Galbeed:

  1. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari: Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah 2012-2016
  2. Fowziya Maxamed Sheekh Cusmaan, Xildhibaan hore
  3. Ibraahim Yarow Isaaq : Xildhibaan hore
  4. Daahir Cabdi Cabdullahi :Xildhibaan hore
  5. Shariif Maxamed Cabdalla : Xildhibaan hore
  6. Cabdiwahaab Ugaas Khaliif: Xildhibaan iyo wasiir hore
  7. Cabdiqadir Sharif Xasan : Xildhibaan hore
  8. Cabdi Caziz Xasan Maxamed: Xildhibaan hore iyo wasiir ku xigeen hore
  9. Raabaca Sh. Nuurow: Xildhibaan hore
  10. Yacqub Cali Maxamed : Xildhibaan hore
  11. Maxamed Mursal Maxamud : Xildhibaan iyo wasiir hore
  12. Sandheere Maxamed Iftin : Abaanduule ka tirsan Koonfur Galbeed
  13. Aden Ibrahim Dhaayow : Xildhibaan hore
  14. Maxamed Jaamac Mursal : Xildhibaan hore
  15. Maxamud Macalin Yaxye : Xildhibaan hore
  16. Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed: Xildhibaan hore
  17. Khalif Duurey: Xildhibaan hore
  18. Cabdi Ibrahim Sh. Muudey: Xildhibaan iyo wasiir hore
  19. Maxamed Mursal Sheekh: Xildhibaan hore
  20. Axmed Xaaji Maxamed –Taaw: Xildhibaan hore
  21. Cabdiraxmaan Aden Ibrahim Ibbi: wasiir hore
  22. Saalim Caliyow Ibrow : Wasiir hore
  23. Axmed Cumar Islow: Xildhibaan hore
  24. Maxamed Xuseen Isaq Afaraalle: Xildhibaan hore
  25. Axmed Moyow Cabdule-Ruush-ka: Xildhibaan hore
  26. Cabdulahi Xusein Cali: Xildhibaan iyo wasiir hore
  27. Cabdulahi Cumar Abshir: Xildhibaan hore
  28. Cabdulahi Sheekh Ismacil: Wasiir hore
  29. Maxamed Cumar Dhalxa: Xildhibaan hore
  30. Maryan Macalin isaq: Xildhibaan hore
  31. Maxamed Nuuraani Bakar: Xildhibaan hore
  32. Sharif Sheekhuna Maye: Taliyihii Booliika Soomaaliya
  33. Sheekh Aden Maxamed Nuur, Xildhibaan iyo gudoomiyihii baarlamaanka ee hore
  34. Maxamud Maxamed Dolow: Xildhibaan hore
  35. Sareedo Maxamed Cabdlle: Xildhibaan
  36. Cabdifitaax Geeseey, wasiirka amniga Koonfur Galbeed
  37. Xuseen Maxamud Sheekh: Wasiirka dastuurka federaalka
  38. Cismaan Xaaji Cali Nuur

W/ Q: Cabdi Caziz A. Gurbiye