U bood dhigaalka

AMISOM Oo Sheegtay Iney Fureyso Waddooyinka Xiran Ee Gobollada Dhexe

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku furi doonaan dhammaan waddooyinka gobolladaasi ee ay xireen Xarakada Al-shabaab.

Korneel Cilmi Maxamed Habane oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ayaa nasiib darro ku sheegay iney kala xirnaadaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe.

Wuxuu tilmaamay taliyaha iney jiraan qorsheyaal badan oo ku aadan furista waddooyinka xiran oo ay waddo dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

“Annaga dhibaato badan iyo calool xumo bay nagu haysaa in gobollo magac ku leh Soomaaliya iyo magaalooyinba ay kala xirnaadaan, madaxdeenna AMISOM waan gaarsiinnay arrintaa, waxaa jira qorshe ay diyaarisay AMISOM, dowladda Soomaaliyeedna ay ula tagtay oo la wada ogyahay oo iminka taladeeda lagu jiro, qorshaha wuxuu yahay sidii loo wada furi lahaa waddooyinka, oo shacabka iyo ganacsiga isku socon lahaa” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Korneel Cilmi ayaa ugu baaqay dhallinyarada kamid ah Xarakada Al-shabaab iney isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, wuxuuna sheegay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan.

“Inamada walaalaha yaga ah ee la qalday waxaan leenahay diyaar baan idiin nahay inaan idin soo dhoweynayo, waxaan idiin balanqaadeynaa in ninkii is soo dhiiba aynu soo dhoweyneyno, dhaqancelis u sameyn doonno, la bari doono xirfado uu ku shaqeysto” ayuu yiri Taliyaha.

Al-shabaab ayaa go’doomiyey degmooyinka badan oo dalka ah, gaar ahaan kuwo ku yaalla gobollada Baay, Bakool, Hiiraan iyo kuwo kale.

Goobjoog News