U bood dhigaalka

Baarlamaanka K/galbeed Oo Meelmariyey Sharciga Dowladaha Hoose

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa maanta oo Talaado ah waxay meelmariyeen sharciga dowlahada hoose oo ay usoo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi.

Kulanka baarlamaanka K/galbeed waxaa shir guddoominayey guddoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana soo xaadirtay 74 mudane.

Sharcigan oo ah in 5 degmo oo K/galbeed ah ay shacabka soo doortaan maamulkooda ayaa waxaa aqbalay 72 mudane, waxaa ka aamusay 1 xildhibaan, halka 1 mudane uu diiday.

Guddoomiye Maye ayaa ugu dambeyn sheegay in sharcigan uu yahay mid ansax ah oo la isku raacay.

Wasaaradda arrimaha gudaha K/galbeed ayaa dooneysa in degmooyinka kala ah Ceelberde, Xudur, Berdaale, Baydhabo iyo Baraawe laga hirgeliyo maamul ay soo doortaan dadka shacabka ah.

11-kii May, baarlamaanka K/galbeed ayaa sharcigan laalay, hase ahaatee dib u habeyn kadib maanta ayeey meelmariyeen.

Goobjoog News