U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanka Hoosingow Ee Gobolka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Degmada Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa laga cabsi qabaa in dadku ay u dhintaan biyo la’aan baahsan oo halkaasi ka jirta.

Guddoomiyaha deegaankaasi ee maamulka Jubbaland Cabdixakiin Maxamed Maxamuud oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in biyo yari baahsan ay ka jirto degaanka ayna ciladoobeen ceelashii dadku biyaha ka cabi jireen.

Wuxuu sheegay in arrintaan dadka iyo duunyadu ay halis ugu jiraan in ay u waxyeelloobaan, isaga oo ku baaqay in degdeg wax looga qabto arrintaan.

Guddoomiye C/xakiin ayaa sheegay in hadda dadku ay isticmaalaan Hal ceel oo kaliya, kaasi oo xitaa matoorka lagu shido ay lahaayeen dad kale oo deegaanka ah.

“Meesha xaalad halis ah ayaa kasoo socota, biyo ma helaan dadka, Hal ceel ayaa saf loogu jiraa, isagana yaa og xilliga uu damayo, sababtoo ah matoorkiisa intuu halaabay ayaa dadka dad deegaanka ah laga soo qaaday, haddii uu damana biyo la’aan ayaa loo dhammaan doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Hoosingow ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan deegaankaasi.

Goobjoog News