U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Soomaalida Oo Laga Badbaadiyey Markab Ganacsi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Badde ee MARCOS ayaa sheegay in jimcihii ay fashiliyeen weerar ay kooxa burcad badeedda Soomaalida ku doonayeen iney ku qafaashaan markab ganacsi oo laga leeyahay dalka India.

Saraakiil u hadashay taliskaan ayaa sheegay in markabkaan ay weerareen rag gaarayey 12 qof oo saarnaa doon yar.

Markabka la weeraray ayaa marayey gacanka Cadmeed, waxaana saarnaa 26 shaqaale ah isaga oo lagu magacaabo MV Jag.

Dedaal ay sameeyeen ciidamada howlgalka la dagaalanka burcad badeedda ku guuleysteen iney badbaadiyaan markaab iyo shaqaalihii la socday, balse ma jirto faah faah faaahin intaan ka dheer.

Burcad Badeedda Soomaalida ayaa marar badan weerar ku qaaday maraakiib iyo doonyo ganacsi, kadib markii ay soo bateen maraakiibta sida sharci darrada ah uga jallaabta xeebaha dalka.

Goobjoog News