U bood dhigaalka

Ciidamada K/galbeed Oo Wada Howlgal Lagu Baadigoobayo Raggii Ka Dambeeyay Dagaalkii Baydhabo

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa habeenkii xalay illaa saakay oo Sabti ah waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalkaan ayaa naloo sheegay in ciidankaan ay ku radinayeen saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay iney ku lug leeyihiin dagaal khasaare xooggan geystay oo shalay ka dhacay magaaladaasi.

Waxaa jira dad ay ciidanka soo qabteen, balse weli lama sheegin dadkaasi iney ku jiraan saraakiishii dagaalladaasi hoggaamineysay.

Madaxweynaha K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ammar ku bixiyey in lasoo xiro cid walba oo ka dambeysay dagaalkii Baydhabo.

Xaaldda guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid deggan, iyadoo dagaalkii shalay ka dhacay magaaladaasi ay ku dhinteen 17 ruux oo shacab u badan.

Goobjoog News