U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigey Gaari Sidey Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in gobolka Mudug ay ku qabteen gaari la sheegay in lagu soo raray walxaha qarxa, waxaana lala qabtay raggii la socdey gaarigaasi.

Gaarigan ayaa lagu qabtay deegaanka Beyra ee gobolka Mudug, waxaana saraakiisha ciidamada howlgalkaan sameeyey ay sheegeen in gaariga lagu soo qariyey walxo qaraxyo ah iyo darees ciidan.

Saraakiisha ayaa tirada dadka ay qabteen waxay ku sheegeen Afar nin oo lagu tuhmayo iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, balse baaritaan ay ku hayaan.

Gaariga iyo dadkii la socdey ayaa la geeyey xabsiga Gaalkacyo, halkaasi oo la sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sii sameyn doono.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe waxay xoojiyeen howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News