U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, saakay oo Talaado ah ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay howlgallo ballaaran ka wadaan magaaladaasi.

Howlgalladan ayaa ah kuwo lagu baarayo xaafadaha maamulka Puntland uu ka maamulo Gaalkacyo, waxaana ay ciidamada galayaan dhammaan guryaha halkaasi ku yaalla.

Goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in ciidanku ay u sheegeen iney raadinayaan rag lagu tuhmayo iney ka dambeeyaan falalka amni darri.

Saraakiisha amniga ee magaalada Gaalkacyo weli wax war ah kama aaney bixin howlgalkaan iyo sidoo kale cidda lagu qabtay.

Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dhaawacay guddoomiyahii maxkamadda magaaladaasi ee maamulka Puntland C/raxmaan  Kilwa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News