U bood dhigaalka

Dadkii Ku Dhaawacmay Madaafiicdii Kusoo Dhacday Warta Nabadda Oo Gurmad Caafimaad u Baahan

Sheeko:Dalka

Ehlada dadkii ku dhaawacmay Madaafiic 16-kii bishan kusoo dhacday xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iney gurmad caafimaad u fidiso dadkaasi.

Wariyaheena Cali Aadan Muumin oo gaarey Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la kulmay qaar kamid ah dadkaasi, waxaana ay u sheegeen in dadka qaar ay xaalad halis ah ku jiraan.

Dad gaaraya 7 qof ayaa ku dhaawacantay madaafiicdaasi, waxaana ku jira Carruur, iyadoo Labo kamid ah caruurtaasina ay xaalad adag ku jirto.

“Ilmaha iyaga oo dugsi iyo Iskuul ka yimaadeen islamarkaana qadeynaya ayaa Labo madfac guriga ugu soo gashay, annaga waan dadaalnay, waxaa dhimatay Labo, waxaana dhaawac ah 7 oo qoyskeega ah” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehlada dadkii ku dhaawacmay madaafiicda ku dhacday degmada Warta Nabadda.

Ugu dambeyn waxay dadkani ugu baaqeyn dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in gurmad caafimaad oo dibadda ah loo fidiyo dadka xaaladooda caafimaad ay aadka u liidato.

Goobjoog News