U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Shacabka Oo Ka Hadlaya Goo’aankii Ahlu-sunna ay ku Mamnuuceen Lacagta Shillin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Xilli shalay maamulka Ahlusuuna waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya uu deegaanadooda uu ka mamnuucay lacagaha  shilin Soomaaliga ah kuwaas oo loo soo  qaado magaalada Mugadisho si lacag doolar ah loogu badalo ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Dhuusomareeb.

Qaar  ka mida ganacsatada ku nool deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Ahlusunna waljamaaca ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay maamulka gobollada dhexe kaas oo lagu mamnuucay lacagihii loo soo qaadi jiray magaalada Mugadisho.

“ Magaceygu waa Mursal Cali Xaashi degan magaalada Guriceel haddii aan ka hadlo saameynta ay leedahay lacagta uu mamnuucay maamulka ee Mugadisho loo qaado deegaanka waxay ku tahay dhibaato waxayna ku leedahay saameyn nidaam guur lacageed ah”.

Dad kale oo iyagana la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in lacagta halkaas laga soo qaado ay tahay lacagtii xilligii Maxamed Siyaad balse dib loogu soo celiyo lacag false ah, taasina ay ku taageersan yihiin go’aanka.

Inta badan lacagta Shin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa waxaa laga keenaa dhanka maamul goboleedka Puntland lacagtaas oo aan ka socon gaobollada koofureed ee dalka.

Goobjoog News