U bood dhigaalka

Dibadbax Maanta Ka Dhacaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sida maamulka gobolka Banaadir sheegay maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax tacsi, kaasi oo lagu muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed uga damqadeen qaraxii Zoobe.

Taabit Cabdi, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in dibadbaxan la doonayo in shacabka Soomaaliyeed oo dhan isugu soo baxaan, islamarkaana aanay u kala harin.

Waxa uu si gaar ah u codsaday guddoomiye Taabin dhallinyarada Soomaaliyeed in kaalin weyn ay ka qaataan dibadbaxan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News