U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha Oo 10 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka qaranka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim  ayaa  sheegtay in dowladda Shiinaha ay abaaraha Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 10 milyan oo doolarka Maraykanka ah, iyada oo xustay in deeqdaasi la gaarsiin doono dadka mudan.

“Dowladda China oo ah saaxiibka dhow ee Soomaaliya ayaa waxay ugu deeqday Soomaaliya maadaama waddanka ay abaaro ba’an ay ku habsadeen xaaladda abaartana ay ka sii dareyso, oo dadka la il daranyihiin, dowladda China waxay noogu deeqday 10 milyan”.

Lacag ku dhow malaayiin doolar ayaa Soomaaliya wadamada qaar ay ugu yabooheen si wax looga qabto abaarta ku dhufatay waddanka balse ilaa iyo hadda mamuuqdaan lacagahaasi.

Dowladaha qaar ayaa lacagaha ay yaboohayaan waxay u dhiibaan hay’adaha gargaarka kuwaasi oo lagu eedeynayo inaysan bixinin gargaarkii looga baahnaa.

Aqoonyahay Maxamed Cusmaan ayaa sheegay inay jiraan lacago badan oo u muuqday kuwo afka ah oo wadamada qaar ay sheegeen inay Soomaaliya ay siinayaan, balse waxa uu sheegay inay sidoo kale ay jiraan wadamo dano siyaasadeed ay ku xirantahay yabooha ay Soomaaliya ay ufidiyeen .

“Deeqaha caalamka waxyaabaha laga helo waxa inta badan dabo yaallo dano siyaasadeed, waxaa laga yaabaa in laguu ballan qaado lacag deeq ah oo 10 milyan gaareyso balse 10 kii malyan markii af ahaan la sheegayo ballan qaadku wuu fududyahay, laakiin lacagtii inay ku soo gaarto waxaa ku xiran dano kale oo siyaasadeed”.

Dhinaca kale aqoonyahay Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in abaarta wali taagan ay arrimo kale ay sabab u tahay ayna ka mid tahay lacagaha gargaarka ah oo hadda la hayo, iyadoo uu sheegay inaan la deeqsiinaynin dadka abaaruhu haystaan.

Lacagaha sama falka ee dowladaha reer galbeedku ay ku bixiyaan Soomaaliya waxay gacanta ay u galiyaan hay’adaha gargaarka kuwaasi oo aan la ogeyn gargaar muuqda oo ay abaarta ka geesteen .

Goobjoog News