U bood dhigaalka

Faah Faahin: Maalinta Koowaad Ee Shirka Hiigsiga 2016 Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Nicolas Kay ayaa magaalada Muqdisho si wada jir uga furay maanta shir heer Wasiir ah oo la magac baxay  Hiigsiga 2016-ka.

Shirkan oo soconaya Laba maalin, waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh iyo Ergeyga Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday in ay wanaagsaneyd in doorasho”Hal qof iyo Hal cod ah ay dalka ka dhacdo 2016-ka balse aanay suuragal aheyn, laakiin ay socoto qaab kale oo doorasho.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Caruurta iyo xaqa ay u leeyihiin waxbarashada, waxaa uu sidoo kale ka hadlay qalabeynta ciidanka qalabka sida.

Shirka Waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka socda beesha caalamka, Dowladda federaalka, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Adan.