U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Puntland Oo La Ansixiyay

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goordhaw waxaa uu ansixiyay golaha wasiirrada ee xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Gaas.

61 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida siisay xukuumadda halka 3 Xildhibaan diideen, arrintaas kadib waxaa Xildhibaannada la hadlay madaxweyne Cabdiweli Gaas waxaa hadalladiisa ka mid ahaa

“Waad Ku Mahadsan tihiin sida mas’uuliyadda oo aad ugu hiiliseen Puntland, una siiseen xasaanadda golaha wasiirrada, aad iyo aadbaan idiinka mahad naqayaa, waxaan idiin ballanqaadayaa shaqadaa culus in inoo wada taalla in aan si dhaw in aniga iyo golaheyguba  ay ula shaqeeyaan golaha wakiillada ee Puntland, si dhammaanteen aan u gudanno waajibka dastuuriga ah ee na wada saran ee dalkan iyo dadkanna si wanaagsan aan u wada shaqeyno”.

Goobjoog News