U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Dadban Oo Faraha Kala Baxey Doorashada 5-tii Kursi Oo La Laaley

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban heer federal iyo heer dowlad goboleed waxaa ay sheegayaan in ay u harsan yihiin 14 kursi, 9 kursi kursi oo aqalka hoose ah iyo 5 kursi oo aqalka sare ah.

Ila ku dhaw guddiga doorashada oo la hadley Goobjoog News waxaa au sheegeen in madasha hoggaanka qaranka oo horey kuraasta u laashey ay isku heystaan, tusaale ahaan madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Isaam(Madoobe) oo diidey iney lagu celiyo kursiga la laaley ee lagu doortey Kismaayo.

Guddiga doorashada dadban waxaa ay heystaan ilaa todobaad iney ku soo dhameystiraan labada aqal, mana dhici doonto iney qeyb ka noqdaan xalka kuraasta lagu murasan yahay.

Dhinaca kale ishan Goobjoog News la hadashay waxaa ay walaac ka muujisey dhowr arrin:

  1. Sida lagu xallinta karo khilaafka madasha hogaanka qaranka ka dhex jira ee ku aadan kuraasta lagu celinayo iyo inta aan lagu celin doonin.
  2. Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaalida oo ilaalo ka hayey goobaha doorashada mar hore ayey iska tageen, side ciidamada loo celin karaa goobahaas, si ay mar kale doorasho ugu dhacdo.
  3. Arrinta ugu muhiimsan, Yaa damaanad qaadaya in aaney dhici doonin, sababtii keentey in kuraasta lagu celiyo.

Doorashada dalka ka dhacdey, waxaa dhibaato ku noqon doona marka la gacan  bidxeediyo guddiga doorashada dadban oo kooxdan madasha hoggaanka qaranka ay dheereeyaan xalka ku aadan 5-tan kusri ee lagu muransan yahay.

Magacyadaas Horey Loo Laaley, Guddiga Doorashada Dadbanna uu ka tagi doonno iyaggoo aan Xal laga gaarin waa:

1- Cabdi Maxamuud Maxamed,  Puntland, Ugaar Saleebaan

2- Cabdullaahi Maxamed Aadan,  Jubbaland,   Beesha Gaaljecel

3- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed, Koofur Galbeed,   Digil,  Macalin weyne

4- Maxamed C/llaahi Xasan Nuux,  Hirshabelle,  Qabiilka Jidle

5- C/qaadir Maxamuud Gaafow,  Galmudug , Murarsade

Goobjoog News