U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Galmudug Oo Iska Dhex Magacaabay Labo Guddi

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada maamulka Galmudug oo habeenkii xalay ahaa kulan ku yeeshay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa iska dhex magacaabay Labo guddi oo muhiim u ah howlaha shaqo ee guddigaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo guddiga Maaliyadda iyo qabashada araajida ayeey xalay iska dhex doorteen guddiga doorashada Galmudug, waxaana loo sameeyay Labo guddoomiye.

Xildhibaan Xasan Cali Dhuux oo kamid ah guddiga doorashada Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News, in hadda howlaha doorasho ee maamulkaasi ay mareyso meel aad u wanaagsan, islaamrkaana guddiyadan la sameeyay ay muhiim u yihiin howlaha guddigooda.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay aad u rajeynayaan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay, isaga oo hoosta ka xarriiqay iney ku dadaalayaan in doorashada ay ku dhacdo si cadaalad ah.

“Waxaan wadnaa shaqadii naloo dhiibay, guddiga doorashada waxay iska dhex magacaabeen Labo guddi oo kala ah maaliyadda, arjiqabashada iyo guddiga arrimaha bulshada, waxaan u sameynnay guddigan si loo helo hannaan wanaagsan oo doorashada ay ugu dhacdo si cadaalad ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa la filayaa in 10-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News