U bood dhigaalka

Halkee Ayey Mareysaa Doorashada Labada Aqal Ee Somaliland Iyo Hirshabeelle? Guddiga Doorashada Oo Ka Jawaabey

Sheeko:Dalka

Beelaha Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira ayaa inta badan soo gudbiyay ergada doorashada ee Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya dooran doonto 2016-ka.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen guddiga doorashada dadban ee heer federal, beelaha Jubbaland iyo Koofur Galbeed waxaa laga hayaa dhammaan liiska ergada doorasho halka beelaha kalana ay soo gudbiyeen inta badan liiska, inta muranka ku jirtana la filayo in ay soo xalliyaan saacadaha soo socota si warqada aqoonsiga looo siiyo ergada, lana tababaro.

Hirshabeelle ayaa  madaxweynahooda waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho si uu kulammo ula yeesho guddiga doorashada waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socota uu u gudbiyo guddigan liiska murashaxiinta aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle.

Isla maamulka Hirshabeelle, waxaa la diyaariyay xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo xataa  guryihii ay degi lahaayeen guddiga doorashada dadban ee maamulka Hirshabeelle, waxaana la xaqiijiyay in doorashada Xildhibaannada beelaha dega Hirshabeelle ay ka dhici doonto magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada dadban oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in doorashada aqalka hoose ay mari doonto wejiyo kala duwan sida:

Diiwaangelinta ergada iyo murashaxiinta, arrinta labaad oo ah in wacyigelin loo sameeyo ergada doorasho, loona tababaro nidaamka doorashada 2016-ka iyo arrinta sadexaad oo ah in goleyn la sameeyo oo loola jeedo in murashaxiinta u tartamaya Xildhibaannimada ay ergada doorasho hortagaan u sharaxaan sababta ay xilkan u doonayaan si dadka ergada ah ay u doortaan qofka ay u qancaan.

Dhinaca guddiga doorashada waxaa ay sheegayaan  in doorashada aaney hal maalin ama hal mar wada dhici doonin, oo maamul kasta ergadiisa loo qeybin doono 3 koox, si ay 3 maalin ama 3 jeer ay wax u doortaan.

Tusaale ahaan maamulka haddii uu leeyahay 60 Kursi oo Xildhibaanno ah, ergada doorasho waxaa ay u codeyn doonaan mid 20 Xildhibaanba halkii mar, waxaa u dhaxeyn doonta  maalin ama labo maalin oo nasasho ah si ergada 20-kale u sii diyaar garoobaan, sidaas si la mid ah kooxda sadexaad….taasi oo keeni doonta in doorashada ay socoto todobaad iyo ka badan.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale waxaa ay guddiga sheegayaan in aanu weli soo gudbin liiska aqalka sare iyo xataa ergo doorasho midna balse guddiga doorashada dadban waxaa ay intaa ku dareen in wararka ka soo baxaya shirarka Somaliland ay leeyihiin in dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi  ay doorashada qeyb ka yihiin, soona dhameystirayaan dhammaan wax laga rabo, weliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhinaca amniga doorashada dadban 2016-ka, AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay sugi doonaan ammaanka goobaha doorasho, Galmudug waxaa saacadihii la soo dhaafay waxaa gaaray ciidamada AMISOM si ay uga qeyb-qaataan suggidda ammaanka doorashada.

Ugu dameyntii guddiga doorashada waxaa ay Goobjoog News u xaqiijyeen in natiijada iyo magacyada labada gole ay shacabka la wadaagi doonaan ka hor November 10, 2016-ka.

Goobjoog News