U bood dhigaalka

Heshiis Laga Gaaray Colaadda Banyaaley, Hiiran

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxay heshiis dhowr qodob ka kooban ka gaareen colaadda ka taagan deegaanka Baanyaanley ee gobolka Hiiraan.

Heshiiskaan ayaa waxaa u matalayay maamulka Ahlu sunna waljamaaca madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Baashi Faarax, halka maamumka Hirshabeelle uu ka socday wasiirka dib u heshiisiinta Yuusuf Axmed Dabogeed.

Heshiiskaan ay gaareen labada maamul ayaa waxaa ka mid ahaa qodobada ka soo baxay in la kala qaado maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaanka Baanyaanley ee gobolka Hiiraan  iyo in gogol nabadeed la iskugu yimaado tobanka bisha soo socota.

Deegaanka Baanyaanley ee hoostaga gobolka Hiiraan ayaa maalmihii dambe waxaa ka taagneyd colaad u dhaxeysa beello walaalo ah oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaas oo isku heystay dhul daaqsimeed ku yaalla deegaankaasi.

Inta uu dagaalka ka socday deegaanka Baanyaanley ayaa waxaa halkaasi tagay ciidamo ka socda dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo  kuwa maamulka Ahlu sunna waljamaaca kuwaas oo kala dhex galay maleeshiyaadkii dagaallamayay.

Inta badan waxaa kusoo noq noqda gobollada dalka daagaal beeleedyada kuwaas oo ka bilowda dhul daaqsimeedka.

Goobjoog News