U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Buurdhuubo Ee Gedo Oo Albaabada Loo Laabay

Sheeko:Dalka

Isbitaalka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in Albaabada loo laabay, kadib markii ay degmadaasi isaga baxday hay’ad la sheegay iney maamuleysay.

Madaxa caafimaadka ee degmada Buurdhuubo Xaaji Ladane Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aanu jirin wax dawo ah oo degmadaasi taalla, islamarkaana ay jiraan cudurro badan.

“Hay’addii maamuleysay Isbitaalka degmada Buurdhuubo waa ay ka baxeen degmadii, dawo la’aan baa jirta, isbitaalka ma shaqeynayo, cudurada Shubanka, jadeecada iyo kuwo kale ayaa jira, meel lagu daweeyo dadkana hadda maleh” ayuu yiri Xaaji Ladane.

Madaxa caafimaadka degmada Buurdhuubo ee Gedo ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed iney wax ka qabtaan xaaladda dawo la’aan iyo xirnaanshiyaha Isbitaalka degmada Buurdhuubo.

Isbitaalkan ayaa shaqooyin badan u hayey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta hay’addii maamuleysay Isbitaalkaasi ku kalliftay iney ka baxaan degmadaasi.

Goobjoog News