U bood dhigaalka

Isra’el Oo Ka Baxeyso Hay’adda UNESCO

Sheeko:Dalka

Maamulka Isra’el ayaa sheegtay inay ka baxeyso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka barbaarinta iyo waxbarashada ee UNESCO. Isra’el ayaa tilmaantay in weeraro ay ku heyso hay’addaan caalamiga ah.

Emmanuel Nahshon oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Isra’el ayaa sheegay in go’aankaan uu soo baxay markii la arkay isku dayo nidaamsan oo lagu kala saarayo Yahuuda iyo dhulka Israel.

Waxaa uu intaasi ku daray in waraaqda rasmiga ah ee ka bixitaanka hay’adda la wareejin doono ka hor inta uusan dhammaan sanadkaan,Israelna ay ka bixi doonto UNESCO sanadka cusub ee 2018.

Xilli sii horreysay ee sanadkaan socda waxaa ka baxay hay’addaan Mareykanka isga oo ka bixitaankiisa uu sabab uga dhigay inay ka xagliso Israel.

Goobjoog News