U bood dhigaalka

Itoobiyaan Ku Qafaalnaa Sool Oo La Badbaadiyay

Sheeko:Dalka

Howgal ay sameeyeen ciidamada Amaanka ee gobolka sool oo uu hor kacayay taliyaga Qaybta Booliiska Ee Gobolkaasi Gaashaanle dhexe Ibraahin Jaamac Daad ayay xoriyaddoodii dib ugu soo celiyeen boqolaalo qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo xeryo ugu Afduubnaa Kooxo Hubaysan Deegaanka Guumays oo 77-km Waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood.

Kooxahan ayaa Deegaankaasi ka tahriibin jiray dadka kuwaas oo ay ka qaadi jireen lacag madax furasho ah, iyaga oo halkaasi sidan dadka ugu qafaalan jirey muddo Labo sano ah.

Taliye Daad ayaa sheegay in ay dhammaatay dadkii lagu qafaalanayey Sool, isaga oo tilmaamay in cid walbo oo arrintan kusoo qabtaan ay tallaabo cad ka qaadi doonaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa uga digay dadka deegaanka in arrintan ay garab ku siiyaan dadka wax qafaasha, isaga oo dhanka kalena gaadiidleyda u diray digniin.

“Waxaan leenahay cid walbo oo arrintan mar kale lagu helo sharciga ayaa la marin doonaa, haddii ay ahaan lahaayeen gaadiidley ama kuwa wax qafaasha” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliye Daad ayaa ka digay waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambe lagu dhex iibinayay deegaanka Guumay ee goboka Sool.

Goobjoog News