U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Gaari Lagu Rasaaseeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maanta lagu rasaaseeyay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in gaarigan rasaaseeyeen, waxaana la sheegay iney saarnaayeen dad badi isku qoys ahaa.

2 qof ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen, iyadoo Afar kalena ay dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen, waxaana ay wadaan baaritaanno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News