Madaxda Dowladda Oo La Kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika

image-284-768x434

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki, oo maanta yimid magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah arrimaha ku aadan abaarta dalka ka jirta iyo sidoo loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Muuse Faki ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana isna ay ka wada hadleen arrimaha gurmadka abaaraha, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimo kale.

Intii uu guddoomiyaha midowga Afrika ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada, iyadoo la xiray waddooyinka qaar.

Goobjoog News


error: Content is protected !!