U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Labo Qodob Kala Hadlay Hay’adaha Ammaanka Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta kulan la yeeshay dhammaan taliyeyaasha ciidamada qalabka oo uu kala hadlay arrimo muhiim ah.

Kulankaan oo saacado qaatay ayaa madaxweynaha waxa uu taliyeyaasha kala hadlay Labo arrin oo kala ah sidii ciidamada qalabka sida ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka iyo sidoo kale in ciidanka dowladda yihiin kuwo mid ah, meeshana looga saaro xurgufta mararka qaar dhacda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa amray in la magacaabo guddi ka kooban guud ahaan ciidamada qalabka sida , kaasi oo soo bandhigaya nidaamka ugu wanaagsan ee ay ciidamadu ku wada shaqeyn karaan.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed ayaa kulankaasi markii uu dhammaaday kadib saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii laga wada hadlay.

“Maanta oo bisha July tahay 31, madaxweynaha wuxuu isugu yeeray dhammaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, taliyeyaasha hogaannada iyo sareeyayaasha oo dhan, waxaa laga wada hadlay Labo arrin oo wacyigelin ah, mid ah sidii looga wareejin lahaa ciidamada AMISOM ammaanka, umadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka, gaar ahaan in la dedejiyo la wareegista amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi waxa uu ahaa qodobka Koowaad oo aad loogu dheeraaday, madaxweynahana uu booriyey in waajib ciidamada qalabka sida saaran uu yahay la wareegista xilkaasi, loona baahan yahay in dalkaan loo dhinto, naftana loo huro, taas qodobka Koowaad ayuu ahaa, qodobka Labaadna wuxuu ahaa oo madaxweynaha uu ka hadlay wada shaqeynta ciidamada dhexdooda waxyaabaha yar ee dhacaya iyo xurgufta iney meesha ka baxdo, ciidamadana ay si toos ah u wada shaqeeyaan ay aaminaan iney yihiin Hal ciidan u shaqeeya Hal dal, Hal xukuumad u shaqeeya, umadda Soomaaliyeedna u adeegaan in ciidankaasi yahay ciidan mideysan oo kaliya ee aanu ahayn ciidan dhowr dowlad u kala shaqeeya, ciidankaan Hal maamul ayuu u shaqeeyaa, Hal dowlad iyo Hal shacab ayuu u shaqeeyaa, ciidanka inuu Hal noqdo ayuu madaxweynaha aad u booriyey waana isla qaadannay taas, waxaana uu amray in la magacaabo guddi ka kooban ciidamada qalabka sida, guddigaasina uu soo bandhigayo nidaamka ugu wanaagsan ee ciidamada ku wada shaqeyn karaan” ayuu yiri taliyaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib u habeyn ballaaran ku wadda ciidamada qalabka sida ayaa dhanka kale waxay waddaa qorshe ay ciidanka Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga guud ee dalka, kalana wareegayaan ciidamada AMISOM.

Goobjoog News