U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland “Lacag Kama Qaadan Dowladda Federaalka”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland  C/xakiin C/laahi Camey ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe ay isla dhexmarayaan dadka ku sugan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo, kuwaasi oo ahaa in lacag uu kasoo qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Camey ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay markii uu warkaasi maqlay, wuxuuna sheegay in Labo jeer oo uu soo maray Muqdisho aanay jirin cid ka tirsan dowladda Federaalka oo uu la kulmay.

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo cid aan kula kulmay garoonka Muqdisho sii socod iyo soo socod midna inaanay jirin, lacag la isiiyey oo dowladda Federaalka uga baahnaana ineysan jirin…wararkaan la fidinayo ee beenta ah hala joojiyo, cidna fasax ugama qaadanayo inaan arko madaxda dowladda Federaalka, waxyaabaha beenta ah ee umadda lagu hala joojiyo”

Injineer Camey ayaa dhanka kale soo hadal qaaday shirkii Kismaayo ku dhammaaday Arabacadii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in shirkaasi isaga horey mowqif uga istaagay.

Sidoo kale wuxuu dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ugu baaqay iney ku wadahadlaan Muqdisho, oo ay xalliyaan wax walbo oo dhexdooda ah.

“Shirka Kismaayo mowqifka aan ka qabay un baan cadeeyay wixii kasoo baxayna umadda Soomaaliyeed ayeey u taalla, mid ayaan rabaa inaan xuso, mudaaharaadyada Kismaayo ka socda walaalayaalow dhibta hala joojiyo, dowladda Federaalka waxaan ugu hambalyeenayaa casumaadda ay casuuntay madaxda maamul goboleedyada ee dalka ka jira, wadahadlaa heshii, dowladda Federaalka waxbaa laga tabayaa waxna waa ay tabeysaa, madaxweyne Waare kalmaddii uu dhahay ee dadka haloo turo ayaan xusuustaa, umadda Soomaaliyeed haloo turo dowladnimadana haloo turo” ayuu yiri Camey.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa maalmahan dambe kacsan, iyadoo madaxda maamulkaasi ay si dadban dhallilo isugu marinayaan warbaahinta.

Goobjoog News