U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Ku Dhowaaqay In Cunoqabateynta Dhaqaale Ka Qaadayo Sudan

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka qaadeyso cunoqabateynta dhaqaale ee ay kusoo rogtay dalka Sudan Sanadkii 1997-kii.

War ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Heather Nauert, ayaa lagu sheegay in cunoqabateyntan si rasmi ah loo qaadi doono 12-ka bishan October ee 2017.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in sababta keentay in Sudan laga qaado xayiraadda dhanka dhaqaalaha ay tahay kadib markii dowladda Maraykanka ay kala shaqeeyeen arrimo kamid ah amniga, xalinta khilaafyada gobolka iyo halista Argagaxisada.

Dhanka kale, dowladda Sudan ayaa iyana soo dhoweysay xayiraaddan dhaqaale ee maalmo kadib ka qaadayo dowladda Maraykanka.

Goobjoog News