U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Xoojinaya Duqeynta Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday iney sare u qaadi doonto duqeynta ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Soomaaliya ka fuliyaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka islamarkaana magaciisa aan la shaacin ayaa u sheegay ABC in dowladdooda ay go’aamisey in la xoojiyo weerarka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay iney qaadi doonaan howlgallo dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin gudaha dalka.

“Waxaa naga go’an inaan beegsanno saldhigyada iyo xarumaha kale ee Al-shabaab ku leeyihiin Soomaaliya, gacmaha lagama laaban doono waxaan caawin doonnaa ciidamada Soomaaliya oo ka qeybqaadan doona howlgalladeena” ayuu yiri Sarkalkaasi ka tirsan ciidanka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa bartilmaameedsata saldhigyada AL-shabaab ku leeyihiin dalka, iyaga oo marar badan diyaaradahooda ay duqeyn geysteen.

Goobjoog News