U bood dhigaalka

Mareykanka: Miisaaniyadda Oo Dib-u-dhacday Darteed, Ma Shaqeynayaan Laamaheeda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka waxaa ka dhacay  “shutdown”, waxaana istaagay shaqada dhammaan laamaheeda federaalka kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.

Arrintan waxaa ay keentay, in howlaha xukuumadda ay joogsadaan iyo sidoo kale adeegyo ay ka mid yihiin  amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Sida ay sheegtay AFP, Aqalka cad waxaa uu xisbiga dimoqoraadiyiinta ku eedeeyay in ay afduubayaan hey’adaha Mareykanka marka ay shaqada joojiyeen laamaha federaalka.

Arrimaha la isku heysto waxaa ugu weyn in aan Mareykanka laga tarxiilin caruur ku dhashay taasi oo doonayo madaxweyne Trump.

Mareykanka waxaa uu “shutdown” horay uga dhacay 2013-kii

Goobjoog News