U bood dhigaalka

Mudug: Carruur Ku Geeriyootey Miino Ku Qaraxday

Sheeko:Dalka

Saddex Carruur ah ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen deegaanka Docolo-oomane ee gobolka Mudug, kadib markii ay miino ku qaraxday.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in carruurtan ay ku ciyaarayeen miinada, kadibna markii ay garaaceen ay ku qaraxday.

Waxaa jirta waxyeello soo gaartay carruur kale oo halkaasi ku dhowaa, balse tirada inta ay la egtahay lama hayo.

Deegaannada Mudug sidan oo kale marar badan waxaa uga dhacay qaraxyo ka dhasha haraadiga hubka ee weli aan la aasin.

Goobjoog News