Muuqaal: Shaqo Yari Soo Wajahday Beeraleyda Soo Saara Cusbada

Cusbo

Waa shaqo adag oo culeyskeeda leh in biyaha badda laga sameeyo milix ama cusbada dhadhanka u yeesha raashinka, waxaase ka horreysa in uu qofka lacag helo.

Waqti fog oo ay u dheertahay daal iyo in dhabarka uu ka dhidido waxaa jira kanaal yar oo biyaha kasoo qaada badda kaas oo gaarsiiya beeraha lagu beero cusbada, taasi oo markii la diyaariyo loo suuq geeyo suuqyada dalka, si ay u helaan nolosha maalin laha ah muruq-maalka halkaani ka shaqeysta.

Aroor walba waxay u soo jarmaadaan halkaani oo ah xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho iyaga oo sheegaya in Labadii sano ee ugu dambeysay hoos u dhac uu ku yimid wax soo saarkooda ka dib is bedal dhanka cimilada ah oo hoos u dhigay wax-soosaarkoodii iyo bacaad badan oo ku soo rogmaday beeraha cusbada.

“Dhinacaan hadda waxaa naga jira Toban iyo Labo beerood oo shirkaddu leedahay waxaa ka dhashay bacaad masiibo ah, subixii markaad bixiso habeenkii intaad bixisay labadeed ayaa meeshii taallo oo bacaada” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ragga cusbada diyaariya.

Beeraha cusbada Muqdisho oo ay dalkani ka hirgaliyeen gumeystihii Talyaaniga waxaa gacanta iminka ku haya dhallinyaro iskaashatay oo aan heysan Tiknoloojiyad horumarsan oo wax-soosaarkooda sare u qaadi karta, taas oo jirtana dedaal kuma yara waxay gacan weyn ka geysanayaan in ay daboolaan baahiyaha cusbo oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.

“Hadda waatan beertii way abuurantahay abuurkii koowaad waaye maalin hore ayuu roob nagu da’ay marka uu roobka uu ka da’o way guduudanee,dadkuna ma jecla marka ay saa u caddahay, haddeysan caddeyn malagaa qaadanayo waxaa lagu leeyahay qiimo yar ayaa lagaaga qaadanayaa”.

Muruq-maalkaan oo si iskood ah isku xilqaamay iyada oo aysan jirin caawinaad dowladeed iyo mid maamul oo ay helaan hadana waxay buuxiyaan kaalintii wax-soosaareed ee dalka qeybtii kaga aadaneyd .

Mudadii ay jirtay hoos u dhaca wax-soosaarkooda ayaa waxay sheegayaan in saameyn ballaaran ay ku yeelatay noloshooda sida uu sheegayo muruq-maalkaad muddo suddon sano ka badan kuguda jiray howshaan.

“Nolol malahan eber ayey noqotay sababtoo tahay waxsoosaarkooda haddii toban kaariko halbeer ka soo bixi jirtay adiga hadda  labo kaariko saddex kaariko ayaa ka soo baxda way is dhintay wax weyn “.

Sanadkiiba mar ayey sheegeen beeraleyda inay ka heli jireen waqtiyadii hore sagaal kun oo kiintaal hadda balse waxaa ay sheegayaan in aysan jirin wax soo go’a.

Maxamed Cabdi Xasan

Goobjoog News