U bood dhigaalka

Q.M: 5 Milyan Milyan Oo Ciraaqiyiin Ah Ayaa Ka Cararay Daacish

Sheeko:Dalka

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay qaxeen in ka badan 5 malyan oo Ciraaqiyiin ah tan iyo markii ay  ururka dowladda Islaamka qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaallo waqooyiga iyo bartamaha Ciraaq sanadkii 2014 kii.

Lise Grande oo ah isku duba ridaha qaramada midoobay arrimaha bani’aadanimo ee Ciraaq ayaa sheegtay in 5.4 malyan oo rayid ah ay ka carareen guryahooda intii lagu guda jiray saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Magaalada Mowsil  keliya waxaa ka cararay in ka badan hal milyan iyo bar oo qof, markii ay galeen magaalada ciidamo hubaysan waxaa intaas sii dheer 1800 oo kale ayaa magaalada isaga  cararay intii uu socday howlgalka milatari kaasi oo lagu soo ceshanayey gacan ku heynta magaalada waxaa uuna socday bilooyin.

Lise Grande in qaramada Midoobay ay aad uga walaacsantahay bad qabka dadka ka barakacay guryahooda.

Ciidamada Ciraaq oo ay kaa bayaan xoogagga  caawiya ayaa ku guuleystay bilihii ugu dambeeyay inay soo ceshato inta badan goobo ay ka mid tahay Mowsil.

Goobjoog News