U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dowladda Koofurta Suudaan Ay Hor Istaagtay Kaalmooyin Bani’aadanimo Oo Loo Waday Dadka Macluusha Haysato

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay, in dowladda Koofurta Suudaan ay ka hor istaagtay inay kaalmooyin bani aadanimo gaarsiiyaan boqolaal kun oo qof kuwaas oo macluulaysan.

Wakiilka guud ee Qaramada Midoobay ee hawlgalka nabad ilaalnta u joogo Koofurta Suudaan oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Juba ayaa waxa uu sheegay in loo diiday dadka u qaybiyaan kaalmoyin bani aadanimo,waxa uu intaas ku sii daray in dowladda Juba ay u diiday inay gargaar gaarsiiyaan goobaha ay ka jirto abaarta.

Waddanka Koofurta Suudaan waxaa ka jira xaalad bani’aadanimo iyo mid amni oo liidata, tan iyo markii ay ka go’day Suudaanta kale sanadkii 2011kii, markaa oo uu ka bilowday dagaal so keeye oo u dhaxeeya madaxweynaha dalkaasi iyo kooxaha mucaaradka hubaysan.

Balse maguulaysan heshiiskii nabadgalyo oo ay sa xiixeen labada dhinac sanadkii 2015, in kastoo uu jiray cadaadis ka imaanayay  dhanka dowladaha caalamka oo ku saabsan sidii hoos loogu dhigi lahaa dagaalka, kaasi oo galabsaday nolosha dad badan  oo gaaraya kumanaan, iyo barakicidda in ka badan 2 malyan oo qof, waa sida ay sheegtay qaramada midoobay.

Goobjoog News