QM Oo Kaalmo Gaarsiineysa Koonfurta Suudaan

un

Waxaa bilowday kaalmooyinka la gaarsiinayo dadka macluusha ay ku hayso  wadanka Koofurta Suudaan, kadib markii Qaramada Midoobey ay wadahadal la yeelatay mas’uul ka tiran kooxaha fallaagada ah .

Dadka la gaarsiiyay kaalmadaan ayaa waxay gaarayaan  Toban Kun oo qof waxayna ku nool yihiin inta badan goobaha ay fallaagadu ay gacanta ku hayso, macluushaan ayaa waxay tahay tii ugu horreysay  oo caalaamka soo marta muddo ku dhaw Lix sano.

Ku dhowaad Boqol Kun oo qof oo ku nool waddanka Koofurta Suudaan ayaa waxay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan macluul baahsan oo ka jirta waddankaasi, iyadoo Qaramada Midoobay ay horay u shaacisay in  Shan Milyan oo qof oo  ku nool qaar kamida gobollada waddanka Koofurta Suudaan ay u baahanyihiin in la gaarsiiyo kaalmooyin deg deg ah.

 


error: Content is protected !!