U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Kheyre Oo Ka Jawaabay Su’aallo Amniga Dalka Ku Saabsan

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qorshaha amniga sharraxaad ka siiyay guddiga ammaanka ee baarlamaanka kadib kulan ka dhacay Villa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sidoo kale wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa su’aallo waxaa weydiiyey guddoonka golaha shacabka iyo sidoo kale guddiyada difaaca iyo ammaanka ee golahaasi.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sharaxaad aa u dheer uu ka bixiyey qorshaha ku aadan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddiyada amniga iyo difaaca ayuu si faah faahsan ugu sheegay sida loo dhisayo ciidamada, hannaanka loo wajahayo sugista amni iyo arrimo kale oo isla ammaanka un ku saabsan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wadda dedaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo qaran oo hanan kara amniga dalka si looga maarmo ciidamada AMISOM eek u sugan dalka, caawiyana dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News