U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre: Shacabka Haddii Uu Annaga Naga Shakiyo Amniga Ma Sugi Karno

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarah xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay ciidamada isku dhafka ah ee loogu talogalay xasilinta magaalada Muqdisho iney la shaqeeyaan shacabka oo ay ilaaliyaan xuquuqda shacabka.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in dadka Soomaaliyeed ay muddo soo dhibaatoodeen, lagana doonayo ciidankaan iney dhibta ka saaraan shacabka.

Kheyre ayaa sheegay sidoo kale in xukuumaddiisa ay ilaalin doonto xuquuqda ciidanka, ciidankana laga doonayo iney ilaaliyaan xuquuqda shacabka.

“Dadka Soomaaliyeed ee aad u tageysiin waa inaad xuquuqdooda ilaalisaan, idinkana waa la ilaalinayaa xuquuqdiina, waxaan idiinkaga mahadcelinayaa inaad usoo labisateen in naftiina u hurteen dalkiinna, waan arkay waxyaabihii aad soo qabateen…laakiin shacabka haddii aannaga naga shakiyo amniga ma sugi karno, waa inaan annagu amaanno la imaanno, dadka Soomaaliyeed ee aad u tageysaan waa in la ixtiraamaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegtay iney ka go’an tahay iney xaqiijiso amniga caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News