U bood dhigaalka

Sawirro: Dibadbax Lagu Taageerayo Dowladda Iyo Waxqabadkeeda 100-ka Maalin Oo Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho kabilowday dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan kumanaan shacab ah iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka , kaasi oo lagu taageerayo dowladda iyo waxqabadkeeda 100-ka maalin.

Munaasabadda waxaa ku sugan madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirro,  xildhibaanno, saraakiil ciidan, ciidanka baambeyda iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Lix bil gudaheeda la gaari doono horumar iyo isbedallo badan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ugu horreyn shacabka iyo dowladda oo mid ah lagu gaari garo guulo waaweyn, horumar, amni iyo dib u dhis.

Muqdisho ayuu sheegay in ay ka qurux badnaan doonto caasimadaha dalalka Africa, isbedal buuxana la arki doono 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha oo arrimo badan ka hadlay ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ku aadan la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna mar kale celiyey baaqa ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminsan fikirka Al-shabaab ay dowladda kusoo biiraan, kana tanaasulaan fikirkooda.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idiin kugu soo gudbin donna.

Goobjoog News

007 006 005 004 003 002 001