U bood dhigaalka

Sawirro: DP World Oo La Wareegtay Dekadda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa maanta si rasmi ah waxay dekadda magaalada Boosaaso ugu wareejiyeen shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka, kadib munaasabad ka dhacday dekaddaasi.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta gobolka Bari, Kan Boosaaso, wasaaradda Dekadaha iyo amniga Badaha ee Puntland, xubno ka socday shirkadda DP World iyo marti kale.

Mas’uuliyiin u hadlay wasaaradda Dekadaha ee Puntland ayaa sheegay in shirkaddan ay la wareegtay oo kaliya dhismaha dekadda ee aanay dhanka maamulka la wareegin.

Shirkadda DP World ayaa dekaddan dhisamaheeda ku bixin doona 336 milyan oo doolarkanka Maraykanka ah.

Dhowaan ayeey DP World la wareegtay dekadda Berabera oo muran xooggan uu ka dhashay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:
Goobjoog News

D5 D4 D3 D2 D1