U bood dhigaalka

Sawirro: Gool FM Oo Ku Guuleysatay Koobka Sanad Guurada 5aad Ee Aasaaska Goobjoog Media Group

Sheeko:Dalka

Ciyaar ay daawadeen dhowr kun oo shacab ah, laguna maamuusayey 5 sano guurada Goobjoog Media Group ayaa maanta galankii dambe lagu qabtay garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Ciyaartan oo ay ku loolamayeen labo kooxood ee Gool FM iyo Goobjoog FM, Waxaa ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyada oo waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay 2-2 oo ay ku kala baxeen.

Goolka 1aad ee ciyaarta waxaa dhaliyay Maxamed Salaad oo ah kooxda Goobjoog FM, daqiiqado kadib waxaa rigoore ay ridatay uu Maxamed Qadar qasaariyay dhaliyay  Jilicow, kadib waxaa Gool FM ay la timid goolkii 2aad ee uu  dhaliyay Xasan Kaafi Gool balse Abshir Raage ayaa Goobjoog FM gool u dhaliyay, kana dhigay 2-2.

Ciyaarta si loo kala adkaado waxaa uu garsooraha xisaabiyay Rigoore taas oo keentay in ay ku adkaadaan kooxdii mataleysay Gool FM.

Ciyaarta maamulka Goobjoog Media ka sokow waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo iyo mas’uuliyiin kale.

Daawo Sawirrada:

 

2Z2A1671

2Z2A16772Z2A1682

2Z2A1953 2Z2A1954 2Z2A1955 2Z2A1690 2Z2A1958 2Z2A2118 2Z2A1688 2Z2A1704 2Z2A2150 2Z2A2151 2Z2A2152 2Z2A2153 2Z2A2154 2Z2A2167 2Z2A2169 2Z2A2173 2Z2A2178 2Z2A2179 2Z2A2187 - Copy 2Z2A2195 - Copy 2Z2A2195 2Z2A2193 2Z2A2189 2Z2A2189 - Copy 2Z2A2188 2Z2A2187