U bood dhigaalka

Sawirro: Shir Looga Hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah waxaa  magaalada Muqdisho ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana ka qeybgalaya wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxaa Shirkan furey wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, waxaana uu ka hadlay ulajeedka shirkana iyo ahmiyadda uu leeyahay.

Bayle ayaa sheegay in waqtigii uu xilka wasaaradda maaliyadda hayey ay suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda sida mushaarka shaqaalaha dowadda, ciidamada iyo sidoo kale lacagaha lagu wado howlaha shaqo ee xafiisyada dowladda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saartay kordhinta dhakhliga soo gala dowladda waxbadanna ay taasi uga qabsoomeen.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalaya in ay saaran tahay mas’uuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa iyana dhankooda ka hadli doona shirkan, soona gudbin doona qaabka ugu sahan ee sare loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka, waxaana gabagabda shirkan la filayaa in lasoo saaro war-murtiyeed.

Goobjoog News

D6 D5 d4 d3 D1 D2