U bood dhigaalka

Sidee Loo Sugayaa Amniga Doorashooyinka Ee Muqdisho? (Maqal)

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir Bishaar Axmed Geeddi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga guud ee gobolka, iyo sidoo kale arrimo ku aadan howlgallo ay ciidamada ka sameeyaan Muqdisho.

Ugu horreyn taliyaha ayaa sheegay in mararka qaar laga yaabo in qof aan aqoon micnaha dowladnimada uu qalad sameeyo, balse aysan ciidamada Booliiska ka daba harin oo jawaab celin degdeg ah ka bixiyaan.

Taliyaha mar aynu wax ka weydiinnay arrinta ku aadan rag hubeysan oo mararka qaar dhac ka geysta Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayuu sheegay iney ku dabajiraan wax ka qabashada raggaasi.

Booliiska ayuu sheegay iney wadaan ka daba tagga falalkaasi, islamarkaana jawaabta rasmiga ah ay jirto dhanka garsoorka iyo xabsiyada.

Taliye Bishaar ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta ku aadan sugidda amniga doorashooyinka oo uu sheegay in si aad ah amniga u adkeeyeen, sidoo kalena ciidamada amniga ay yihiin kuwo mar walbo diyaar u ah ilaalinta umadda Soomaaliyeed, ayna diyaar garow gaar ah u sameeyeen sidii loo sugi lahaa ammaanka doorashooyinka dhowaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Wareysiga Taliyaha halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News