U bood dhigaalka

Taliye Cirfiid Oo Kormeeray Ciidanka Xoogga Dalka Ee Qeybta 21-aad

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan taliyaha qeybta 21-aad iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku sameeyey xeryaha ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu taliyaha booqashadiisan ugu kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka, sida ay ku nool yihiin iyo baahiyaha ay qabaan.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Sarreeyo Guuto C/laahi Aadan Xuseen ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka wuxuu uga warbixiyey sidey ciidankaasi u shaqeeyaan iyo sidoo kale waxa ay hadda u baahan yihiin in loo qabto.

“Cutubyadan aad hortaagan tahay taliye waxay soo mareen marxalado farabadan, gaadiid ma helin, taakuleynta xagga saadka waan ku siinnay, agabkii ciidan ma aanay helin, dhammaan xarumaha aan ku shaqeynno waa sidaan warbixinta kugu siinnay iyo sidaad ku aragtay”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye Gaas Axmed Maxamed Jaamac Curfiid ayaa isna dhankiisa sheegay in markaan la doonayo in la saxo tirada ciidamada, gaar ahaan kuwa 21-aad si loo raadiyo wixii maqan.

“Waa in marka hore aan helnaa tirada saxda ah ee ciidamada si loo helo xuquuqdiina, laakiinse haddii aan la keenin tiro sax ah ma soconeyso in wax la helo, wixii xuquuq ah ee maqan waan raadineynaa, dowladdan waxay rabtaa mid rabta in amniga wax laga qabto, ciidanka lala shaqeeyo, wey ka duwan tahay dowladihii hore, mar walbo waxay daneeyaan, gaar ahaan madaxweynaha aad ayuu u daneeyaa in ciidanka ay dhismaan” ayuu yiri Taliyaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku wadda ciidanka qalabka sida, gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News