U bood dhigaalka

Tiarada Shaqaalaha Dowladda Ee Ku Dhintay Kuna Dhaawacmay Qaraxii Zoobe Oo La Shaaciyey

Sheeko:Dalka

Kulan ay manta isugu yimadeen xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda aya lagu shaciyey tirada rasmiga ah shaqaalaha dowladda ee ku dhintay qaraxii Zoobe iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa kulankaan lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Lix kamid ah shaqaalaha dowladda, kuna dhaawacmeen 20 kale.

Xoghayaha Xiriirka Goboladda Maamul goboleedyada ee Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Maxamed Macallin Iimaan ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen gurmadki loo fidinayey dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Zoobe.

Guud ahaan mas’uuliyiinta xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda ayaa cambareeyay qaraxii Zoobe, waxaana ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen isku duubni.

Goobjoog News