U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Suudaan Oo Heshiisyo Badan Saxiixday

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suudaan madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Khartoum ku kala saxiixday barnaamijyo Iskaashi.

Banaamijyada ay saxiixdeen waxaa ka mida Barnaamijka Iskaashiga Istiraatiijiyadda, iyo in la aas-aaso gole iskaashi oo istiraatijiyadeed oo heer sare ah kana dhaxeeya Turkiga iyo Suudaan.

Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay, in labada dal ay saxiixeen heshiisyo ku saabsan wadaagga ganacsiga iyo dhaqaalaha heshiiskaan ayaa dhanka Suudaan u saxiixay Xaatim Al-siri wasiirka ganacsiga, halka Turkiga uu u saxiixay wasiirka dhaqaalaha Nihaad.

Heshiisyada kale oo ay kala saxiixdeen waxaa ka mida iskaashiga Portocolka dhanka Teknoloojiyadda iyo warshadaha,Beeraha, Howdka,waxbarashada iyo dalxiiska.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdoğan ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Suudaan waxaana la socday qaar ka mida wasiirada xukuumadiisa iyo ku dhawaad 200 oo ganacsato Turki ah.

Goobjoog News