U bood dhigaalka

Waa Goorma Doorashada Madaxweynaha Galmudug?

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxweyne ee maamulkaasi kadib markii uu is casiley madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee maamulka Galmudug Maxamed Xasan Geelle oo saxaafadda la hadlay waxa uu shaaciyey waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxweyne.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in 21-ka bishan March ay magaalada Cadaado ka dhici doonta doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

“Guddiga waxa uu asteeyey doorashada 21-ka bisha Saddexaad in ay dhacayso doorashada madaxweeynaha Galmudug, oo aan Ilaahay ka rajeyneynayo in ay u qabsoonto waqtiga loogu talogalay, inta daneynaysa iney doorashadaasi isku soo taagto waxaan ka codsanayaa iney waqtiga dhowraan waxaana xilliga shaqo walbo la qabanayo waxaan soo gudbin doonnaa goor dhow” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Maxamed Xasan Geelle ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi inuu faraha kala baxo arrimaha doorashooyinka oo uu u daayo baarlamaanka iyo guddiga.

26-kii bishan madaxweynihii maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay arrimo caafimaad darteed.

Goobjoog News