U bood dhigaalka

Warbixin: Madaxtooyada Masar Oo Qoraal Ka Diyaarsiyay Muhiimadda Booqashada Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Hey’adda Isticlaamaadka ee hoostagta madaxtooyada Masar ayaa warbixin dheer ka diyaarisay booqashada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku jooga dalka Masar iyo ahmiyadeeda.

Booqashadii Ugu Horeysay Ee Farmaajo:

Hey’adda waxaa ay warbixinteeda ku bilowday in booqashadan madaxweyne Farmaajo ay tahay tii ugu horreysay uu Masar ku tago kadib markii la doortay 8dii February 2017-kii, Masaarida waxaa ay soo dhaweeyeen doorashadiisa iyaga oo u rajeeynaya in tillaabadaasi ay noqoto mid horseedda dimoqoraadiyad iyo doorashada qof iyo cod 2020-ka.

Warbixintan waxaa ku jirtay in booqashadan ay tahay tii 4aad ee madaxweyne Soomaali ah uu dalkaasi ku tago intii uu SISI madaxweynaha ahaa, horay waxaa 3 jeer u tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, November 2014, March 13, 2015 iyo March 27, 2017.

Xiriirka Taariikhiga Ah:

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid soo jireen ah oo aan hadda bilaaban, arrinta waa ay ka fog tahay geography ahaan, xiriir Carab iyo mid Islaami ahaan, waxaa kale oo ka awood badan tahay xiriir dhaqaale iyo mid kale.

Qoraalkan waxaa lagu xusay in uu xiriir ganacsi ka dhaxeeyay Masar iyo Soomaaliya xilligii Faraacinada, iyaga oo ganacsi u soo raadsan jiray Puntland oo ka tirsan bariga Soomaaliya.

Masar Waxaa Ay Qeyb Ka Aheed Xuriyadda Soomaaliya:

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Masar ay dhiig u daadisay xuriyadda Soomaaliya, 17/4/1957 waxaa Soomaaliya lagu dilay safiirka Maxamed Kamaaludiin Salaax oo qaramada midoobey wakiil uga ahaa Soomaaliya,

Taageero:

Waxaa kale oo la sheegayaa in Masar ay ka mid aheyd dalalkii ugu horeeyay ee ictiraafay Soomaaliya, taasi oo ka mid aheyd siyaasadaha madaxweynihii xilligaas Jamaal Cabdinaasir, Masar waxaa sidoo kale ay dalka u soo dirtay Macalimiin iyo hey’ado kale oo Soomaalida ka gacan siiya aqoonta.

Burburkii Kadib:

Masar waxaa ay ka mid aheyd dalalkii taageerada la garab taagnaa Soomaaliya, waxaa Qaahira lagu qabtay shir dib u heshiisiin 1997-dii, Shirkii iskaashiga dhaqaale 2014-kii iyo ra’isul wasaaraha Masar oo ka qeybgalay shirkii May sanadkan loogu qabtay Soomaalida magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wararka Arrinkan La Xiriira: Qaahira: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Farmaajo Iyo SISI Oo Dhameystiran

Masar waxaa ka mid tahay dalalka daneeya Soomaaliya, gaar ahaan ka hortagga burcad badeedka, waxaa ay martigelisay shir arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo March 2017kii.

Xiriir Qotto Dheer:

Sida warbixintan lagu sheegay, Masar waxaa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan, Madaxweyne SISI waxaa 2014-kii waxaa uu ogolaaday in sanad walbo Soomaaliya la siiyo 200 oo deeqo waxbarasho ah.

Azhar uu kulan ku dhex maray 2014kii, Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh iyo madaxa Al-azhar waxaa lagu heshiisyay in dib loo yagleelo Macaahiddii Azhar ku laheyd Soomaaliya.

Xiriir Dhaqaale:

Waxaa jira fursado ay maalgeshi ku sameynsan karaan shirkadaha Masaarida, waxaa jira dhul beereed badan oo tacab ku wanaagsan, taasi oo hadda u furan in shirkadahaasi ay maalgeshtaan. 

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News