U bood dhigaalka

Warshaddii Shamiitada Berbara oo Dib Loo Howlgalinayo

Sheeko:Dalka

Warshadii  Shamiitada ee magaalada Berbera ayaa la filayaa in dib loo kiciyo ka dib 25 sanno oo ay burbursanayd, warshaddan oo dhawr mar ganacsato isku dayday iney dib u habayn ku sameeyaan, ayaa waxaa ka dhalashay khilaaf beeleedyo khasaare gaystay oo sababtiisa u hirgali weyday howlaha dhaqaajinta warshaddu.

Warshaddan oo la sheegay in Labo bilood gudahood dib u habaynteeda  la galaayo ayaa muuqaal mooyaane guud ahaan burburtay, ka dib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxayna ahayd xarun il dhaqaale oo xooggani dalka ka soo gali jiray waqtiyadii dawladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.

Ganacsato Soomaali iyo ajanabiba iskugu jira oo uu ka mid yahay Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil  iyo ganacsade carbeed ayaa lagu wareejinayaa maalgelinta warshaddan,  waxaa horey uga hor istaagay ganacsato maalgashan lahayd warshadda dad ka soo jeeda deegaanka oo sheegtay iney xaq u leeyihiin iyagu  in kasta oo ay ahayd hanti qaran oo dadka oo dhan u dhaxeysa.

Warshaddan Shamiitada waxay ka mid ahayd meelaha ugu qiimaha badan ee laga shaqeeyo waqtigii dawladii dhexe ee Soomaaliya waxayna ka mid noqotay meelihii ugu horreeyey ee la boobo ka dib burburay, iyadoo ay ahaan jirtay waxsoosaar lagaga maarmay shamiitadii dalka dibadiisa laga soo dhoofin jiray.

Goobjoog News