U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Shirey Muqdisho Oo Digniin u Direy Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ka dib kulan Balaaran oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku yeesheen Salaadiinta Gobollada waqooyi  ayey uga hadleen farogelinta Dowladda Itoobiya ay ku hayso Doorashada Soomaaliya.

Salaadiinta ayaa si kulul uga hadlay farogelinta ay sheegeen in dowladda Itoobiya ku heyso Doorashada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay in degdeg Itoobiya ay u joojiso Farogelinta doorashada Soomaaliya ay ku hayso, waxaana ay soo jeediyeen Salaadiinta in Itoobiya ay ku Ekaato oo kaliya howlgalka AMISOM.

Suldaan Beyle oo ka mid ah Salaadiinta oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Itoobiya ay marar badan sidan oo kale ugu digeen, islamarkaana ay ka dalbadeen in arrimaha doorashada dalka iney faraha kala baxdo.

“Waxaa wax laga Xumaado ah in Itoobiya ay Faragelin Toos ah oo Joogto ah ay ku hayso Doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale Guud ahaan Arrimaha Soomaaliya,Itoobiya waa dal aan derisnahay waxaan ugu baaqeynaa in ay Faraha kala baxdo Arrimaha Doorashada oo ay Faraha kula jirto” ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxgaradkan kulmay waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in mar walbo aayaha dalka ay gudaha dalka un ka dhexraadiso, iskana ilaaliyaan dalalka isku dayaya in Soomaaliya ay wax ka maamulaan.

Goobjoog News