Xiisadda Gacanka: Amiirka Qatar Oo Sheegay In Dhibaatada Ka Jirta Khaliijka Lagu Xalin Karo Ixtiraam Qarannimo

qna_hhtheemir_tamim

Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa sheegay in uu soo dhawaaday xiligii la xallin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Carabta iyo dalkiisa.

Sheikh Tamiim ayaa intaa raaciyay in xal u helidda dhibaatada ka taagan khaliijka lagu xalin karo in la ixtiraamo qarannimada wadamada, iyada oo aan waxba la isku yeerineyn.

Amiirka Qatar ayaa hoosta ka xariiqay in nolosha ka jirta dalkiisa tan iyo markii xiriirka ay u jareen dowladaha Khaliijka ay aheyd mid caadi ah oo wax saameyn ah kuma  yeelan go’doonka la saaray.

Tamiim ayaa sheegay in dalkiisu uu la dagaallamayo argigixisada waxa uuna yiri argigixisada waa dambi ka soo horjeeda bani’aadanimada.

Waxa uu u mahad celiyay wdamada Kuwait iyo Turkiga kaalinta dhexdhexaadnimada ah oo ka geysteen arrimaha Khaliijka.