U bood dhigaalka

10 Qof Oo Lagu Qabtey Howlgal Ay Ciidamada Jubbaland Ka Sameeyeen Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in howlgal dad lagu soo qabtey ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkaan oo ahaa mid amni xaqiijin ah ayaa la sheegay in lagu soo qabtey 10 qof oo ku eedeysan iney ku howlanaayeen falal amniga ka dhanka ah.

Wariyaha Goobjoog ee magaalada Kismaayo Mascuud C/laahi ayaa soo sheegaya in dadka ay ciidamadan soo qabteen ay ku jiraan dad ku howlanaa iney dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Todobaadkaan soo saartey ammar ku aadanaa in lasoo qabto  cid walbo oo shacabka Kismaayo iyo nawaaxigeeda dhibaato ku haya.

Isniintii shalay, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun ku riddey Lix askari oo ka tirsan ciidamada maamulkaasi, kuwaa oo ku eedeysnaa in ay weerar ku qaadeen Maxjarka Kismaayo, halkaasi oo ay ku dhaawaceen Labo askari oo Booliis ah.

Goobjoog News