U bood dhigaalka

12-sano Kadib Geeridii Xaliima Khaliif Cumar Magool (Taariikh)

Sheeko:Dalka

Maanta oo Kale sanadkii  2004-dii  Isbitaal kuyaalla Dalka   Holand  waxa ku geeriyootay    Boqoradii Codka Xaliima Khaliif Cumar Magool oo mudo dheeer ku jirtay Fanka Soomaaliyeed.

Allaha u Naxariistee Magool waxay u tagay dalal badan iney ka dhigto bandhig faneedyo iyadoo la socota fannaaniin kale sida dalka Suudaan , khaliijka iyo kuwo kale.

Xaliimo Khaliif Magool , waxey aheyd fannaanad weyn oo ka dhex muuqatey fannaaniinta somaliyeed lafdhabarna u aheyd fanka somalida guud ahaan , mana jiro fannaan ka dambeeyay oo aanan magool metel ka dhigan gaar ahaan gabdhaha fannaaniinta ah.

Taariikh Nololeedka Xaliimo Khaliif Magool.

Xaliima Khaliif Cumar Magool, waxay ku dhalatey gobollada Dhexe gaar ahaan Beledweyne  sanadkii 1943kii, halkaas ayeyna ku soo barbaartay , Magool iyadoo da’deedu aad u yartahay ayey ku biirtay fannaaniintii Gobollada waqooyi , halkaas oo ay gacan weyn ku siiyeen iney fanka qeyb weyn ka qaadato abwaanintii iyo fannaaniintii halkaas ku sugnaa oo ay ugu cadcaddaayeen Xusen Ow Faarax iyo Faannaankii weynaa ee Axmed Maxamed Good Shimbir.

Magool waxay hibo u heshay cod wanaagsan oo qof kasta oo dhegeysta heesaheeda uu la dhacayey taasoo u soo jiidday magool in mu’allifiinta Somaliyeed ay ku deeqaan heesahooda cusub isla markaasna ku lammaaninaya xulka fannaaniinta waaweyn sida Maxamed Suleymaan, Cumaan Aaden Gacanlo, Maxame Axmed Kuluc, Cabdi Salaad Aden Beerdillaacshe, Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Maxamed Mooge Liibaan.

Heesaha Jaceylka ah ee ay caanka ku tahay magool waxaa ka mid ah iyagoon kala dhicin 1. Mabatallabsan karaye (kaligeed)
2. Idil (iyada A.M.G. Shimbir)
3. Ashqaraar (iyada iyo M.A.Kuluc
4. Jaceylkii ku dhego tira (kaligeed)
5. Dhimbilo Qurac (iyada iyo Muuse I. Qalinle
6. Shimbir (kaligeed)
7. Ubax la mood (kaligeed)
8. Immadadaali daali (iyada iyo Cusman Gacanlo)
9. dadnimada aqoonso (iyada iyo M.A. Kuluc)

Heesaheeda waddaniga ah waxaa iyagana ugu muhimsan iyagoon kala dhicin
1.Nin lagu seexdow haseexan (iyada iyo Hobollada waberi)
2. Maxaad taqaan (iyada iyo – – – – )
3. Afrikaay Huruddoy (kaligeed)
4. kani galbey kukale mooyee (iyada iyo H. waaberi)
5. geesiga birta ah (iyda iyo H. waberi)
6. manta manta (kaligeed)
7. Isisoo maqiiq (iyada M.A. Kuluc)

Magool waxay u tagay dalal badan iney ka dhigto bandhig faneedyo iyadoo la socota fannaaniin kale sida dalka Suudaan , khaliijka iyo kuwo kale, Magoo waxay gaartay heer ay reer suudaan jecleystaan codkeeda oo ay somaliya oo dhan ku tilmaamaan (ARDI XALIIMA) dhulkii Xalimma iyagoo markaas u qasdaya Somaliya.

Xaliima Khaliif Magool waxay aheyd fannaannada kaliya ee somaliyeed oo ilaa manta awooddey iney hal habeen ku kulmiso garoonka dedan ee istadem Muqdishu ee K. Goleyga daawatadii ugu tira badneyd ee somaliya oo ka soo qeyb gala bandhig faneed la dhigo iyagoo kor u dhaafay (13) kun oo qof ,heer garoonka bannaankiisa lagu xiro codbaahiyeyaal, runtiina waa heer ay gaarin xitaa kooxihii kubadda koleyga halkaas ku ciyaari jiray ee Jeenyo iyo Horseed.

Tirada Riwaayadaha oo ay wax ka jishay Magool in kasta oo ay fara ku tiris yihiin haddana waa kuwa ka tilmaaman riwaayadihii(sheeko masraxiyeed)dalka soo maray sida ;-

Sidaa ma isku qabnaa mise waan qarsanaa, dumistii aqalkeyga iyo arooskii inankeyga, Aabahey ka samraye adiga iyo riwaayado kale .

Xaliimo Khaliif Magool , waxey aheyd fannaanad weyn oo ka dhex muuqatey fannaaniinta somaliyeed lafdhabarna u aheyd fanka somalida guud ahaan , mana jiro fannaan ka dambeeyay oo aanan magool metel ka dhigan gaar ahaan gabdhaha fannaaniinta ah.

W/D: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News